Waa
sheekadii iyo maansadii ka dhalatay dhacdo jacayl gabnoobay oo ahayd sida tan;
Waxay ahayd 7;30 habeenimo aniga oo socdaal caafimaad ku tagey
magaalada Addis ababa, halkaas oo aan si kadisa ula kulmay saaxiibkay Deeq oo
ahaa wiil dhalinyaro ahaa ,oo farxaana laguna asteeyo furfurnaan, iyo waji
hillac,
hasayeeshee waxa deeq bariinsaday oo bahdii iyo barkii kala
baxay kalgacal facwayn oo ku fogaaday dhaamaan feedhaha iyo waxaayaha jidhkoo
idil, taasna waxa sababay jacayl dhiiranaa oo si kal iyo laab ah loogu qaabilay
kalsooni badan oo niyad sami ku dheehantahay, waxaana caashaqaa ku abuurmay oo
sida midhaha geedaha ku abqaalay kuna beeray gabadh la yidhaah ifraax,
gabadhaasi oo sida waqalka uga heelaacday wadnihiisa bidix, horaa loo yidhi
“JACAYLKU DAACAD IYO HADDII UU HELO DARYEEL MA DUUGOOBEE OGAW”.
Ifraax xiligaa waxay deeq u muujisay dabacsanaan iyo dareen, iyo
xushmad wayn, dabadeed deeqna waxa uu u muujiyay gabaadhaa , dareen naxaaris,
taas oo labadaba fagaaraha aakhyaarta looga yaqaanay mataanihii
jacaylka,waxaana dhex yaalay miisaan jacayl oo xaqsooran, labaadaa qof oo isku
indho kuulan jiray waxaanay ahaayeen ,
dhaayo iyo aragood, dhoola iyo qosolkood ,laf iyo dhuuxeed,
waayo waxay ahaayeen ul iyo diirkeed,,Deeq waxa uu jacaylku ku
kalifay in uu naftiisa u hibeeyo ifraax una huro maankiisa iyo maskaxdiisa, taa
dhigeedana ifraax ayaan dabyar shideyn oo keentay heer ilaa cuntada ay cunayaan
ka dhigtaan isku mid.
Oo si kaftan kalgacayl ku dheehanyahay isku su,aala , manta ama
caawa caloosheenu waa mid, sidaa darted aan anfaco isku mida quudano ee maxaad
cunaysaa caawa, waliba xiliyada ay waqti kulan isku helaan, waxay ahaayeen laba
qof oo labiska ama huga oo qudha ku kala duwan , dhar ahaan, balse muuqa iyo
midabka iskaga mid ah, jacaylkaa gaaxday ee heerkaa halista ah gaadhay, ee
hadii ayna is arag saacad midba dhibta uu dareemayo, dhalan gadiyayso ka
kale,AYAA WAATII HORE LOO YIDHI DABAR IYO HOGAAN IYO DANI WAA SEETEE.
Iyadoo xaal halkaa marayo ayaa waxa dhoof u soo baxay ifraax,
nasiibkaa mid udhawna waxa helay Deeq, oo waxbarasho jamacadeed u helay ADDIS
ABABA, ifraax oo u socota Denmark iyo deeq oo jamacad u tagay adiis, ayaa
labaduba safarkii gaadhi ugu baqoolay meel labadaba dantoodu ku xidhnayd.
waxa ay noqdeen laba nafood oo isku mid ah, oo isku
milmay,daymada indhahaa isku doogsade, sababtoo ah DHAAYIHII IS JECELBAA DHAB
AHAAN IS RAADSHO DHAYAL UKALA JEEDSAN.
intii jidka lagu jiray qooraansi eegmada indhihii ayaa
qaloocday, naf wax jecel ag joogta waa u nasiib iyo naruuro, xawaaraha u
jaraayo gaadhiga ay saran yihiin waxa barbar socda, xawaaraha uu jaraayo
wadnaha iyo dareenka deeq,waayo? Deeq waxa uu u ogyahay safarkiisa inuu ku
eegyahay adis ababa, balse ifraax tahay qof u dhoofaysa dal shisheeye iyo dibad
fog, is aragii dhaayuhu ku doogsan jireen ku danbaynayo dhagaysi, qudheeda
ifraax shidada iyo shawrka kalgacayl kuma yara, oo iyaduba waxay ka fakaraysa
jacaylkan safarka galay balse socdaalkii dhawaa fogaanayo, waxay yimaadeen
ADISABABA iyagoo umal iyo urugo jacayl, midba gaarkii ula tiicayo,
hasa aahaatee may noqon laba qof oo xaafad wada daga, ifraax
waxay dagtay booli, deeqna waxa uu la dagay adeerkii oo caruurtiisa
dhoofinaayay oo dagan xaafada la yidhaah SHOOLA.
jacaylkii waxa durba soo food saaray duruufo lagama maarmaan ah.
Ifraax waa qof safar kale laga sugayo , oo markiiba waxa loo dhaqaajiyay
xaraynta foomka fiisaha iyo hawl safaaradeed, deeq laftiisa jacayl darani haku
dagee, oo daruuro kalgacayl xambaarsan dhibica sida mahiigaan ha ugu
asqeeyaane, isna hawl ayaa sugaysa oo ah inuu galo jamacada oo u baahan dariiq
dheer, balse jacaylka uu u hayo ifraax ayaa ku kalifay intay tagayso in aanu
waxbarasho bilaabin waayo?
Waxa aad ugu mudan aragtida ifraax, hase ahaatee ifraax
safaarada qacanta kuma haysato, halka uu deeq maalinba waqtiga riixayo, oo uu
adeerkii ku maawelinaayo jaamacad I qancisa ayaan raadsanayaa ee dagdagu ma
wacna,
waxaanu taas u samaynayaa waa firaaqo aad u heshid yartan ifraax
ee lagu beeray maskaxdiisa,ee sida geedka ka dhex baxday, ifraax dhankeeda
dhibtu kuma yara oo waxay qaadaysaa oo ay ku sugantahay,AMA DHAMAC KALGACALBAA
I DHALAALINAYSOO INTA’AAN LA DHOLANDHOLAY DHEXDU ILA YARAATAY.
Hase ahaatee, tagitaankeeda waxa qabanqaabinaya abtigeed iyo
walaalkeed,kuna raad jooga ilaalinta iyo dhawarista ifraax, maadama dhulkani
yahay mid shisheeye oo dhaqan ahaan kala duwanahay, waxa deeq uu ku guulaystay
in uu helo taleefanka ifraax, waanu lahadlay salaam diiran oo kalgacayl
dabadeed, waxa uu u sheegay in galitaankii jaamacda u darted u hakiyay, maadama
mardanbe oo ale qadaro mooyee ay tahay aragii ugu danbeeyay, intaa markuu
hadalkii marinaayo ayay tidhi, walaal waan qiiro ooyay ee halkee ayaan kugu
imaadaa.
deeq ayaa si naxarisi ku dheehantay ugu jawaabay , walaal anaa
ku imanayee iska joog, naf wax jeceli dhibanaa, deeq gaadhi ayuu kiraystay
geeya xaafada ay daganayd ifraax.
jacayl waayo badanaa ifraax dibada ayay ku sugtay, waana ay
kulmeen bariido qacmmeed, faraha la is dhaafsay waxay geeysay guri ay jaar
ahaayeen, deeq waa lagu sii diday oo kaarkii caashaqa ayaa ku sii fiday, waxa
uu qaadayaa JACAYLKAN DHULKAYGIYO HALKAN IGU DHIBAAYAAN DAL DHEER U DHOOFINAAYAA.
waw, ifraax lafteedu ma dhawa oo waxay maraysaa “sidii aan u
laab kacay ladi waayay jiifkoo”, is warayste oo u sheegtay inay heshay fiisihii
oo la siinayo laba todobaad oo ah 14 cisho, intaasna ay wada xidhiidhayaan deeq
waa u farxad marna waa u naxdin waayo ?
jacaykisi ayaa helay nasiib wacan oo dhoof, marna waa uu murugo,
oo ifraax xasuus uu qalbiga ka daawado mooyee isarag imika waa gabaabsi waxaase
u leeyahay “dhawristeeda oo qudhaan ayaan dhawr ku qadayaa”, oo agjoogeedu guul
iyo farxad ugu filan, waana uu ku hambalyeeyay waxaanu u sheegay in uu sugaayo,
intaasna ay xidhiidh taleefan iyo netka kuwada noolaadan, maalinkastana inta ay
joogto maagaalada u imanaayo si ILDOOGSI ugu noqoto, ifraax way ka aqbashay,
waxaanay tidhi “ADIGA IYO JACAYLKABA IDIN ILAAWI MAAYO’OO WAAN IDIN TABAYAA”,
maalintaa iyo maalmihii ka danbeeyaya waxay noloshooda ku qaateen dharaaro
macaan, oo midba midka kale uu mabsuudo,
balse , maalmihii sida badda caariday oo soo buuxsantay ayay
dagnaan iyo lama filaan ku soo idlaadeen, deeq caashaqu biyo dhig, dhinac walba
kalgacaylku u dhaaf, ifraax way laqabtaa dareenkaa hasa ahaatee farahaa ilaahay
masimee,waxa qadarin badan oo cishqigu ku wayn yahay waa deeq, waayo?
Isagaa laga tagayaa waxaaba lagaadhay dhoofkii, ifraax bulsho uu
ku jirro deeq ayaa sii galbisay,balse deeq meel uu maraayo isma oga, waxaabu ku
sigtay inuu diyaarada balaasha qabsado marka laga eego, sida uu u foofay iyo
badwaynta jacaylka ee lagaga tagay, waxaase niyada u dhistay ifraax oo tidhi,
anaa kuu nool ee ha warwarin la isna maca salaamee
ifraax oyday ,deeqna ilmee dhiig caashaq, duushay oo diyaaradii
kacday,deeqna isagoo dalanbaabiya ku soo noqoy halkuu daganaa, waagii bari,
deeq qalbiga ayuu ka daalanyahay , intaan xalay moodaayay in uu hurdo,,waxa uu
saarnaa diyaaradii ay ifraax raaxday, waa gataati dhac, xili barqo ah ayaan
toosiyay, markuu indhaha kala qaaday ayuu yidhi iifraax inoo gee, anoo
dareensan waxa ka hadlinyaa in uu yahay jacayl qoto dheer, oo qalbigiisa galay
ayaan ku idhi
Saaxiib waataynu xalay anba bixinay markaasuu intuu soobaaday
yidhi” alla waa runtaa sxb sideen ahaa “ waxan ugu jawaabay “waa jacayl iyo
caadkii” sadex casho markay maqnayd ifraax ayay soo hadashay ayadoo kawaramaysa
nabad qabkeeda waana ay wada hadleen
Number uu kala hadlo ayay siisay, waana uu kala xidhiidhi jiray
,
Deeq waxa uu joogaa adiss oo ah, halkii jacaylku kaga dhoofay ,
waxa ay markasta ishiisu qabataa , maalmihii ay wada joogeen dhulkay mari
jireen , taasi hadaba waxa ay deeq kadhigtay , maxbuus qalbiga uga xidhan ifraax
oo waxa uu qaadayaa
“ADIGOO DALDHEER JIRAAN HALKAN KAA DAREEMAA IFRAAX WAAN KU
JECELAHAY”
Waxa uu bilaabay Tacliintiisii , hase yeeshee isaga ayaabay
jaamacadi kafuran tahay beerkiisa
Oo waxa ka ifaysa ifraax , oo marka aanay lasoo hadal waaba
bastii oo balo ayaa ka higle
Markuu la hadlana ma ah wiil buka oo waabu bogsadaa , waxaas oo
dhana waxa sababay caashaq , jacayl , iyo kalgacayl is urursaday oo guluf ku
haya isaga
LAABI LABA U LA hadaba ninkii isku kari waa tacliin iyo taleefan
ku hadal , waa ifraax oo biixiyaha dhabarka howl yari ku baahday , waxa uu
dhigay qalin kii qalbigana waxa uu ku xardhay ifraax oo kaliya , nasiib daro’se
waxay tahay ‘siduu ugu lisay ugumay hambayn’
Ileyn waa gabadh yurub gashay oo jacayl kiiba way ka mashquushay
Isagiina ayada oo kaliya ayaabu ku mashquulsan yahay , maalinba
maalinta ka danbaysa waxa sii yaraanayay soo hadal keedii , deeqna wuu sii
karaar qaadanayay
Waxa hadaba ku sii kordhay Dhamac kalgacayl oo adkaysi u diiday
waxaana qalbigiisa kadhex maaxaysa ifraax oo sida miiraale roob iyo weedhka
hadba dhinac kaga meeraysanaysa maskaxdiisa
Gantaal jacayl ayaa siwayn ugu dhacay markii ay ifraax anba
baxday , waxaanu noqday baal dabayli sidato iyo badwayn baaxaa dagaysa , waxa
uu hadaba deeq hamuun iyo hiirtaanyo uqabaa Hadalka ifraax
Balse iyadu sidii ay u baqooshay way yaraysay hadalkii uu u
jeelanaa , hadaba deeq waxa ku dhacay dareen cidlo
Waxaanu noqday maxbuus uxidhan gabadh aan xukun ku ridan oo dulman
, Balse ilaa imika deeq waa uu kujiraa Jeel caashaq oo aan lahayn Loyar iyo
Maxkamad u dooda Marka laga reebo aniga oo u caqli celin jiray Samir iyo
dulqaadna fari jiray
Hase yeeshee ilayn waanadu madeeqdo Ruux jacayl ku wayn yahay
Deeq iga diid waanadii Balse Jacayl ayaa dardaray oo waxa uu yidhi
ADAAN DOOG JACAYL IYO KALGACAYL KU DAARINE MIYAAN DUNIBA JOOGAA
SAAXIIB WAAN SILIC SOCDAAYE HADAL KAA IDAM QAAYEE IGADAA WALAAL
Markuu Halkaa marinaayay ayaan go aansaday inaan raadiyo ifraax
si aan ugu sheego halka ay saaxib kay lamarayso dhibaatada jacay ee ku kaliyay
satay
Nasiib wanaag waan helay ifraax , waxaan se odhaahdeedii
kadareemay in uu jacaylkeedu ku ekaa eriboodka (airport) sidaan anigu u
maleeyay
Markaa waxaa halkaasi aan kadareemay in jacaylkii deeq iyo kii
ifraaxba ku kaliyaystay isla saxiib kay deeq marhadii lagaga tagay oon loo
ogayn,
Hadaba ilayn lamaanahayni isjeclaa waxa kala fogeeyay war xuma
tashiil , waxa ay nasiibdaradu tahay in ay ifraax rumaysatay warxuma tashiil
kaasi soo weeraray
Saxiibkay deeqna waa uu lasocday in lakala fogeeyay hadaba
wakhtigaa saxiibkay wuxu isku maaweelinayay hees aan midheheedii ka xasuusto,
CAKU LABA ISBARATOO
ISKU BOGOO ISKALA BAXAY
BOQOLKU IYO DHEERAAD
MARKUU BAAHAY XIISUHU
KALGACAYLKII SOOBAXAY
BISILYAHAY LACUNI LAA
ISBARIIDIN WAAYOO
BINI AADAM KALA DILAY
Bal hadaba kadis kani layaabkale ee dhacay dadoow ufiirsada
Isaga oo deeq ku hawlan heestani oo maskax diisa iyo qalbigu
isku jiibinayaan ayaa waxa soo dhacay taleefan aniga idoonaya saxiibkay deeqna
uu I agfadhiyaa
Si dag dag ah ayaan u qabtay Waxanan ogaaday in ay tahay ifraax
Bariido aanu is waydaarsanay dabadeed waxa aan markiiba la
boobay waano iyo canaan isu jira , intaa kadib waxa aan taleefan kii ugu
dhiibay deeq
Hadaba markii aan u fidiyay gacanta taleefanka saxiibkay waxa
aan wajigiisa kadareemay
Furfurnaan ,hididiilo , iyo rajo uu kadamacsanyahay soonoqodka
ifraax intaa kadib maxaa dhici doona
Deeq oo si dag dag ah u hadlaya ayaa yidhi ‘ walaal is daji cid
aan adiga aduunka kaa jecelahay majirto waxaa laguu sheegayna waa waxba kama
jiraan ‘
Hase ahaatee iyadu dhag jalaq umay siin halkiina kama dabcin
waxaanay ku adkaysatay in wax yaalahaa looga soo tabiyay oo ilayn show ahaa
inuu gabadh kale la rafiiqay ay jiraan
Iyaduna fariintan ay waday ay ahayd uun inay kabaxday oo ay is
fasaxaan
Intaas oo la is dhaafsaday kadib Deeq wajigiisu wuxuu isu
badalay dhidid miidhan , murugo , iyo ciil kasoo if baxay wajiga saxiibkay deeq
, waxaanu dirqi ku haleelay intii aanay dhigin telefonka
IBAD BAADI BEERKAAD LABAXDAA BUKOODEE
Markii arinku halkaasi marayay gabal ayaa u dhacay deeq waxaanu
ku muusanaabay
WEHELKA WEHELKAYGA CAASHAQA
LAWADAAGI JIRAY BAAN
WALI U YEEDHA
WAKHTIGII WACNAAYEE
IWAYDAARTAY BAAN
WALI XASUUSTAA
Hadaba aniga iyo saxiibkay deeq halkii ayaanu ku kala tagnay
habeen kaasi isaga oo aad u murugo iyo ciilba qaba
Waxa la isu soo noqday aroornimadii iyo fagaarihii asxaabtu ku
kulmi jirtay
Asxaabtana waxa ku jiray qaybtii kashayqaysay isu dirka deeq iyo
ifraax iyagoo ku hadaaqaya erayo laga soo xigtay ifraax oo sumcada iyo sharafta
deeq ku tumanaysa , halka uu deeqna marka laga waraysto ifraax uu erayo
wanaagsan iyo amaan kabixinaayay hase yeeshee markii ay erayadaasi dhawaca ku
sii kordhinayay deeq hadhiwaayeen kalatagistii ifraaxna ay kalmadahaasi kaga
dhib bateen
Ayaanu habeen qol isugu nimidnay aniga iyo saxiibkay deeq isagoo
ay laabtiisa gubayaan kalmadihii warxuma tashiilku
Wax uu jiif iyo joog xamili waayaba , mar ay goor sheegtu
(sacadu) ahayd cabaara 2:30 kii habeenimo goobtuna tahay Ethiopia (adis ababa)
ayaa aniga oo hurda waxa aan ku toosay saxiibkay oo jiif iyo joogba xamili la
oo kacaa fadhiisanaya
Deeq waxa uu markiiba qaatay Talefan I agyaalay waxaanan waydii
yay cida soo jeeda ee uu xiligan garaacayo , waxaanu ii sheegay in uu garaacayo
ifraax
Runtii aniga waxa ay igu noqotay layaab dhibaatada saxiib kay uu
la baaxaa dagayo
Deeq waxa uu garaacay ifraax , Talefan kii ayaanay ka qabatay ,
waxaanu ku yidhi isaga oo cabsanaya
“ IFRAAX WALAAL WAA ANIGA WAA DEEQ, KUU MAAN SOO GARAACIN
INAAN KAA NIXIYO WALAL, XILIGAN AAN KU SOO GARAACAYNA WALI WAXA AY KA
TURJUMAYSAA JACAYL KA AAN KUU QABO, KUNA ILAAWI MAAYO INTA AAN NOOLAHAY WAXANAN
RAJAYNAYAA HADII AAN IFKA ISU ARKI WAYNAY INAAN HOYGA AAKHIRO ISU ARAGNO,
WAXAAN SE KAA CODSANAYAA INAAD IGA DAYSO CEEBTA IYO AFLAGAADADA TAASOO IGU
KEENTA MARWALBA DHAAWAC KAWAYN KII KALA FOGAAN SHEHEENU I YEELAY , WAXAANAN KU
FARXI LAHAA ADIGA OO AAN WEEDH SAN KAA MAQLO.
Intaa kadib deeq waxa uu isaga oon iyada jawaab kasugayn dhigay talefoon
kii inta kali ah eegubaysayna ay ahayd intaasi uu u qodobeeyay ifraax
Hadaba aniga oo lasocday dhibaatada iyo baaxaa daga ku kali ah
saxiibkay iyo sida uu xidhiidh koodu u kala go’ay , warxuma tashiilka weeraray
ayaa waxa igu dhalatay maansadan oo aan ugu magac daray HAATUF CAASHAQ waxanay
ahayd sidan .
1.
WAA HAATUF CAASHAQOO
HALKAAN U HOYDIYO
HEER KAAN KU SUGANAHAY
HAWRAAR KUUGU SHEGIYE
2.
KOLAY WAAN HUBAAYOO
HADIMADA KALGACALKA
ANIGAA LAHOYDOO
IFKA UGA HULEELEE
3.
KOLKAAD I HAGRATEED
IIGA HIILIN WAYDAY
HALISTAA JACAYLKEE
HALIIGAYSA BEERKEE
4.
OGSOONOW HABEEN QUDHA
HAMIGAYGA LAABTIYO
KAMAAD HADHIN BOGAYGOO
HALBAWLAHAAD KU NOOLAYD
5.
OO HANAQA IYO LAABTAAD
HADBA QAYB DAGTAAYOO
SIDA HILAACA KARANTII
KA HANQADHAA DUSHAYDEE
6.
SIDAN HAYB SIGAAGII
HABOONEEY DARAADAA
NAFTA KUUGU HURAYEEN
U HIBEEYAY AWGAA
7.
ADNA WAAD IHIIFTOO
MAAD HAGAAJIN QALBIGII
HANAQAAD JACAYL IYO
HOR ILAAH U TAAGNAA
8.
RUUX HOGA XABAASHIYO
IIL HOOSE TAGAYOO
ABID KAA HADHAYNOO
KUU HARAADAN BAAN AHAY
9.
HAYEESHEE IFRAAXEEY
HAMBALYIYO SALAAN IYO
HIBASHIYO XASUUS BAAN
KUUSOO HANEEYEE
10.
KOLKA AAD HALEESHEE
HADALQAAD KA WAAYAHA
HAASAAWAHAA GUUD
DADKU KUGU HAYBSHAAN
11.
HALKA AAN KAA XIGO
NAFTU KAMA HABAWDEE
HAWRAAR SAN TILMAANTAY
SI HUFAN U TABIYOO
12.
NAFTAA HIRDOOGLIYO
MALAB HIBITIQAAYA
U HAYSAN ABIDOO
BARYO KUGU SOO HADHGALIYE
No comments:
Post a Comment