Breaking News

SHEEKO: Iska Illow Boodhari iyo Hodan, Qays iyo Layla, Lamaane kale oo Jacaylka Astaan u Noqday Adduunkana Taariikh ku Reebay!!

Jacaylku waa Maxay?
Culumadii Hore ee Falsafaddu waxay ku wareereen in ay Qeexaan macnaha dhabta ah ee Jacalka , Plato oo kamid ah culumadii Giriirgga ayaa yiri: ” Jacaylku waa dareen ku dhalanaya qofka oo aanuu horey u hayn”.
laakiin Ibnu Xazmi oo kamid ahaa culumadii hore ee Islaamka ayaa ka wanaagsaa oo waxa uu ku qeexay Jacaylka kitaabkiisa la yiraahdo “Dowq al-Xamaam, in Jacaylku yahay mid sibiq kugu gala adigoon fahamsaneyn, laakiin dhamaadkiisu  yahay  dhab oo aan la sifayn Karin, laakiin dhibaatadiisa aad dareemayso oo qura, diinta islaamkuna ma inkirsana” ayuu yiri Ibnu Xazmi.
Waxaa kale oo jacaylka lagu qeexaa inuu yahay dareen soo jiidasho iyo ka helid wata, kuuna jiidaya shakhsi xagii oo kuu riixaya.
 Jirka aadanuhu waxa uu soo saaraa hormoonka la yiraahdo “oxytocin” oo loo yaqaanno hormoonka dadka is jecel, marka dadka is jecel ay kulmayaan ayuuna shaqeeyaa, kaas oo qofka galiya dareen aan la qiyaasi Karin.
Jacaylku waaa awoodda ugu ballaaran caalamaka ee qalbiga aadanaha ku ciyaara, waxa uu kuu hogaaminayaa meel aadan fileyn.
Hadaba iska illoow Qays iyo Layla, waxaan idin soo gudbineynaa sheeko kale oo kutubta taariikhda ku qoran jacaylkuna uu cinwaankeeda yahay.
Cabdullaahi binu Cijlaan…..Ninkii Xaaskiisa Jeclaa!!
Waxa uu kamid ahaa gabyaagii wakhti jaahiligii Carabta (Islaamka ka hor), waxa uu ka dhashay qabiil la oran jiray Fahad, waxa uu ahaa madi oo hooyadii iyo aabihii isaga oo kaliya ayay dhaleen.
 Isagoo maalin maalmaha kamid ah meel wabi ah maraya ayuu arkay qof dumar ah oo wabiga ku dabaalaneysa, waxaa ku dhacday waan ku arkay oo waan ku caashaqay, waa uu jeclaaday, sid degdeg ah ayuuna u guursaday.
Markii ay 8sano kasoo wareegatay guurkooda ayaa sheekada Cabdullaahi iyo Hinda oo xaaskiisa ahayd ay magaaladii ku faaftay, iyadoo gabadha lagu xamanayo iney madhaleys tahay, arrinkaas oo ayay qaadan waayeen waalidkii Cabdullaahi oo markii horeba madi uu ku ahaa oo kaligii ay wax caruur ah ka lahaayeen, Cabdullaahi waxa kale oo uu madax u ahaa qoladiisa.
Waalidkii ayaa dhigay dabin xeelad ah oo uu ku kala geynayo Cabdullaahi iyo Hinda,  xilli habeen ah ayaa la sarkhaamiyay isagoo sarkhaansan ayaa Hinda laga furay.
Markii uu soo baraarugay oo ay sarkhaddii ka baxday, ayuu arkay in jacaylkiisii uu guriga ka tagay, sida ay wax u dheceenna loo sharxay, ayaa waxaa uu gaadhay heer uu u waasho, cir iyo dhulna uu xamili kari waayo.
Muddo kadib waxaa lasoo gaarsiiyay iney guursatay Hinda nin reer bani Nimir ah oo ka dhashay qolo kale oo ay cadawadi ka dhaxayso.
Cabdullaahi waxaa ku dhacay niyad jab, qoruxdii uu Illaahay u dhaliyay way baaba’day aadna wuu u caatoobay, wuuna xanuusaday, waxaa usoorogali wayday inuu booqdo gabadhii uu jeclaa sabab cadaawad oo laba reer ka dhaxaysa awgeed, noloshii ayaa u dhadhami weyday, qalbigiisii ayaa murugo waxay doonto ka sameysay.
Laakiin Hinda waxay ogaatay in dagaal uu ka dhex qarxayo laba qabiil ee Nimir iyo Banii fahad, waa qabiilada ninka qaba iyo jacaylkeedii hore, waxay farriin u dirtay Cabdullaahi si uu u feejignaado dagaalkana aanuu ugu dhiman, laakiin arrinkaa ayaa waxaa ogaadya ninkeeda oo kadibna saaray ilaalo adag si aan warka Cabdullaahi aan marnaba loosoo gaarsiin.
Laakiin Cabdullaahi Bin Cijlaan ma aanuu quusan waxa uu naftiisa u huray sidii uu mar un Hinda uu ku arki lahaa, wax kastaaba ha dhacaane.
Habeen ayuu soo guureeyay waxa uu soo jibaaxay khatarro farabadan, waxa uu arkay Hinda odeygeedii oo geel dhaaminaya iyaduna ay hareer fadhido, waxa uu ka dagay faraskiisii waxa uu u cararay dhanka Hinda oo iyaduna u istaagtay markay aragtayba, way isku soo ordeen oo ay isku kor ooyeen, iyadoo ninkeediina uu si layaab leh u eegayo waxa agtiisa ka dhacayana ay anfariir ku noqotay, isla markiiba dhulka ayay ku wada dhaceen, ninkii wuu cararay bal si uu u eego waxa ku dhacay, wax dhaqdhaqaaq ahba wuu ka waayay, illeen isla ilbiriqsigiiba way isla dhinteen, qoladiisii ayuu iskugu yeeray, waxay u qodeen halqabri halkaas ayayna si wada jir ah ugu aaseen, Alla Jacaylku Balo badanaa!!!
Share:

No comments:

Look at

Popular Posts

Powered by Blogger.

Categories

Categories

Advertisement

Main Ad

Tags

Tags

Business

Business/featured
Find Your Destanation in Here on Us

Sheekooyin Jaceel ah

SHEEKO: Iska Illow Boodhari iyo Hodan, Qays iyo Layla, Lamaane kale oo Jacaylka Astaan u Noqday Adduunkana Taariikh ku Reebay!!

Jacaylku waa Maxay? Culumadii Hore ee Falsafaddu waxay ku wareereen in ay Qeexaan macnaha dhabta ah ee Jacalka , Plato oo kamid ah culu...

Recent Posts