Home »
Wararka Maanta
» Ciidan ka tirsan dowladda oo qarax lagula eegtay Shabeellaha Hoose
Ciidan ka tirsan dowladda oo qarax lagula eegtay Shabeellaha Hoose
Gaari ay la socdeen ciidan ka tirsan Millatariga Somaliya ayaa waxaa maqribkan maanta ah qarax Miino lagula eegtay degaanka Buulalow oo dhaca duleedka degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Wararka ayaa waxa ay sheegayaan gaariga qaraxa lala eegtay oo ahaa Kaarib inay ku geeriyoodeen ilaa laba askari oo midi ay Haweeneyd aheyd, halka ay ku dhaawacmeen Saddex kale.
Ciidan ka tirsan dowladda federaalka oo ku baxay qaraxaasi ayaa soo qaaday meydadka iyo dhaawacyada askarta qaraxa lala eegtay, waxayna keeneen degmada Afgooye.
Dhinaca kale Al Shabaab ayaa fiidnimadii caawa waxa ay rasaas ku soo rideen fariisin ciidanka dowladda ay ku leeyihiin degaanka Buula Fulaay oo ku yaalla wadada ka timaada dhanka degmada Marko, ciidanka ayaa iska caabiyay Shabaab.
Saraakiil ka tirsan Booliska Somaliya oo ku sugan degmada Afooye ayaa waxa ay sheegeen in ciidamada ay ka hortageen Shabaabka weerarka damacsanaa, islamarkaana aanay jirin khasaare ka dhashay.
Xalay oo ugu dambeysay Al Shabaab ayaa weerar culus waxa ay ku qaadeen degmada Afgooye, dagalkaasi ciidanka dowladda waxaa looga dilay laba askari, sidoo kale waxaa looga dhaawacay Saddex kale.
1 comment:
Post a Comment